Ururka Map oo si deg deg ah ugu baaqay in lasii daayo weriye Axmed Tallman

Ururka Saxaafadda Puntland ee MAP ayaa ku baaqay in si deg deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo weriye Axmed Sheekh Maxamed (Tallman) oo khamiistii doraad lagu xiray magaalada Garowe.

Xarriga Axmed Tallman ayaa lala xirriirinayaa war ay baahisay idaacada Daljir oo ku saabsanaa in taliyaha booliiska Puntland Gen. Muxiyadiin iyo ciidankiisu ay dil ugeysteen maxbuus Al-Shabaab ku eedeysanaa.

Tallmaan oo ahaa agaasimihii hore ee Daljir, ayaa qoraal uu dhawaan kusoo daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in xeer ilaaliyuhu isku dayey inuu kiiskaas hab sulux ah ku dhameeyo, balse taasi uu isagu diiday.

Xeer ilaaliyaha ayaa Talman ku amray inuusan Garowe ka bixin, tan iyo inta kiiskan maxkamadu go’aan ka gaarayso.

PUNTLAND POST