Dowladda hoose Garowe oo la faray in ay 5 xubnood kusoo koobto agaasimayaasheeda

Kadib markii dhawaan shaqada laga ruqseeyay 9 Agaasime oo katirsanaa dowladda hoose ‘Garowe’, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxay amartay in agaasimayaasha soo socda laga shan (5) xubnood oo kaliya.

Sida Puntland Post xogta ku heshay Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay bayaamisay in la raaco xeerka degmooyinka Puntland iyo dowladdaha hoose oo qoraya in shan xubnood laga dhigo agaasimayaasha.

Haddii sidaan laga dhigo, waxaa meesha ka bixi doono afar Agaasime, iyadoo guddiga loo xilsaaray agaasimayaasha cusub lagu wado inay wax ka bedel ku sameeyaan qaab-dhismeedkii hore ee agaasimayaasha lagana dhigo sida ay wasaaraddu amartay.

Guddiga oo ka kooban xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo aqoonyahanno, ayaa dhawaan lagu wadaa inay soo xayeysiiyaan agaasimayaasha, kadibna ay imtixaanka ka qaadaan dadka soo codsaday boosaska bannaan, haddii ay buuxiyaan sharuudaha laga rabo.

PUNTLAND POST