Puntland oo shaacisay tirada iyo magacyada maraakiibta jarriifka ba’an ku haya xeebaha Puntland

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Farah Cawaash Beeldaaje oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Bosaso ayaa shaaciyay tirada iyo magacyada maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye oo kalluumeysi sharci darro ah xeebaha Puntland kawada.

Wasiirka kalluumaysiga ayaa sheegay maraakiibtaan inay yihiin caadaystaal ku caan baxay gurashada kheyraadka Puntland, isagoo xusay inay dowladdu ciidan udirtay oo gacanta lagusoo dhigidoono.

Faarax Cawaash waxa uu sheegay maraakiibtaan jarriifayaasha ah iyo shirkaddaha laga leeyahayba inay dacwad ka gudbiyeen oo aysan jirin suuq ay u iib gayn karaan kalluunka ay ka xadaan xeebaha Puntlan.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST