Madaxweyne Axmed Madoobe oo aqbalay baaq ay usoo jeediyeen madaxdii Kismaayo iskugu tagtay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa aqbalay baaq ay usoo jeediyeen madaxdii iyo siyaasiyiintii kala qeyb galay xafladii caleemo saarkiisa.

Baaqaas ayaa ahaa in madaxweynuhu uu wada hadal la galo cid kasta oo saluugsanayd doorashadiisha islamarkaasna uu miiska wada xaajoodka ku dhameeyo khilaafka kasta oo Jubbaland dib u celin kara.

“Waxaan diyaar u nahay si kasta oo aan uga garbixi karno inaan uga garbaxno cid kasta oo wax naga tabanaysa, hadday ahaan lahayd gudaheena ama dowladda federaalka dhinaceeda,” ayuu yidhi Axmed Madoobe.

“Siday doonto ha u adkaato, waxaan diyaar u ahay inaan nabad ka shaqeeyo, laakiin waxa aan ku kala bixi karno waa inay ahaadaan sharci” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Hadalkaan ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ka jeediyay xaflad lagu sagootinayay wafuudii ka qeyb gashay caleemo saarkiisa.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO

PUNTLAND POST