Soomaaligii ku dhintay dayaaraddii Ethiopian Airline oo maanta Maydkiisa Muqdisho la geynayo

Cabdishakur M. Shahaad oo 7 bilood ka hor ku geeriyooday burburka dayaaraddii Ethiopian Airlines ET302 ayaa meydkiisa Isniin maant ah la geynayaa magaalada Muqdisho.

Sheybaarka dheecaanada jirka ee loo yaqaano Foreensig Saynis ayaa lagu helay meydka.

Marxuumkaan ayaa ahaa sarkaal katirsan xafiiska raysal Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna ku jiray 157 qof oo shilka diyaaradeed naftooda ku waayay bishii march ee sanadkaan.

Dhammaan dalalka ay kasoo jeedaan dadka ku dhintay shilkaas diyaaradeed, ayaa haraadiga maydadkooda lagu wareejiyay.

Dowladda Kenya oo kamid ahayd dowladdaha muwaadiniinta ugu badan uga dhinteen shilkaas, ayaa shaacisay in khamiista todobaadkaan aas qaran u sameynayso maydadkii lagu wareejiyay.

PUNTLAND POST