Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre oo sababo amni u tagi waayay xuska xasuuqii 14 October

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka baaqday inay ka qeyb galaan sanad guuradii 2-aad ee xasuuqii ka dhacay Isgoyska Soobbe 14 October ee ay boqolaalka qof ku geeriyooday qaraxii labo sano ka hor.

Madaxda Villa Soomaaliya, ayaa sababo amni uga baaqday sanad guuradaas, sida ay Puntland Post u sheegeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya oo ka gaabsaday in magacooda la xuso.

Kadib markii shalay madaafiic lagu garaacay xerada Xallane, ayaa madaxda dowladda federaalku waxay joojiyeen qorshe ahaa in ay kummanaan shacab ah kula hadlaan fagaaraha isgoyska Soobbe.

Al-shabaab ayaa soo saaray wax u eg digniin ku socota madaxda dowladda federaalka, kadib markii ay sheegeen inay ku guulaysteen 9 gantaal oo ay la heleen xerada Xallane, iyadoo waxyeelo ay kasoo gaartay 3 shaqaale ah.

Maadaama mas’uuliyiintu ka baaqsadeen inay tagaan fagaaraha xuska, waxaa taalada laga taagay bartamaha Isgoyska lagu soo bandhigay labo gaari oo ku xardhan yihiin sawirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ah iyagoo dhiig bixinaya labo sano ka hor.

PUNTLAND POST