Axmed Madoobe: Xasuuqii Soobbe wuxuu nagu dhiirri galinayaa inaan u midowno dagaalka Argigixisada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay isgooyska Zoobbe sanadkii 2017, inuu dhiirri galiyo sida ay muhiimka u tahay dadaalada Nabadgalyada iyo dagaalka Argagixisada in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhacdadaas ay banaanka soo dhigtay sida aanay Argagixisadu u doonaynin Nolosha dadka Soomaaliyeed oo maalin walba ay dhiigooda si ula kac ah u daadinayaan taas oo mudan in lagaga jawaabo howlgalo iyo dagaal midaysan.

Madaxweynahu wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii ehelkooda ku waayay dhacdadaas Maanta oo kale waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in dhabar adayga iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ee dhacdadaas kadib ay ahayd wax lagu farxo iyagoo si wadajir ah ugu gurmaday dadkii dhibtu ay gaartay.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta dhigaysa xus loogu duceynayo dadkii ku dhintay xasuuqii Soobe ka dhacay labo sano kahor, laakiin waxaa dowladda lagu dhaleecayay inaanu jirin qorshe looga gaashaamanayo inaanu dhicin xasuuq lamid ah midkaan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo warbaahinta dowladda kasii daayay farriin ku saabsan maalin, ayaa sheegay in xoojiyeen hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada.

PUNTLAND POST