Qaramada Midoobay oo walaac xoogan ka muujisay canshuurta sharci darrada ee Alshabaab qaado

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyay Canshuurta qasabka ah ee kooxda Alshabab ka qaado dadka reer miyiga ee ku nool dhulka ay maamulaan.

Warbixin cusub oo kasoo baxday golaha ammanka ayaa lagu sheegay Canshuurta sharci darrada ah inay sababtay barakac xoogan iyo in ay hoos u dhigtay dhiirrigelinta wax soo saarkii beeraha.

Boqolaal qoys oo ku tiirsanaa xoolaha iyo Beeralayda ayaa guryahooda uga cararay cabsi soo wajahday kadib markii Shababku weydiisteen inay qasab ah ku bixiyaan lacago ay ku sheegeen canshuuraad.

Qoysaskaan oo ay horey u saameeyeen abaarihii ka dhashay Roob yarida, ayaa ku qasbanaaday inay u baracakaan dhulka magaalooyinka, halkaas oo hay’adda safamalku ku caawiyaan.

Sidoo kale, warbixinta Qaramada Midoobay, ayaa walaac xoogan looga muujiyay askaraynta carruurta Soomaaliyeed, iyada oo la sheegay inay ka socoto gobolka Bari oo katirsan Puntland, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

laga soo bilaabo Janaayo ilaa Luulyo 2019, guddiga la socodka howshaan, ayaa ogaaday in 869 caruur ah, oo ay ku jiraan 8 gabdhood, la askareeyay ayna adeegsadeen ciidamada qalabka iyo kooxaha xagjirada ah.

Sanadkii 2018, Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Caruurta (UNICEF) iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa dhaqan celin u sameeyay 1,466 carruur ah oo ku nool degmooyinka Afgooye, Baydhabo, Dhuusamarreeb, Garoowe, Kismaayo iyo Muqdisho.

PUNTLAND POST