Kenya oo ka hadashay weerar askar looga laayay oo ka dhacay gobolka Gaarisa

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in tiro askartooda bilayska ah kamid ah ay naftooda ku waayeen ka dib qarax loogu qariyay meel u dhaw degaanka Damale, ee Gobolka Garisa.

Weerarku wuxuu ka dhacay meel u dhaw xadka Soomaaliya. Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in 10 askari oo bilays ah lagu dilay weerarkaas.

Taliyaha ciidanka booliiska Kenya ayaa sheegay inay ka xun yihiin inay waayeen saraakiil ciidan iyo gaadiid.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo xoojin ah udirtay goobta ciidanka qaraxa lagula eegtay, si ay u raadiyaan kooxdii falka ka dambeysay.