Haraadiga Maydadka dadkii ku dhintay shilkii Itoobiya Airline oo qoysaskoodii lagu wareejiyay

Qoysaska dadkii lagu waayay diyaaraddii Ethiopian Airline ee burburtay 10-kii Maarso, 2019, ayaa lagu wareejiyay hadhaagii dadkoodii ku dhintay shilkaas diyaareed ee ka dhacay dalka Ethiopia.

Waxaa qoysaskaas kamida kuwa kasoo jeeda Kenya oo shaaciyay inay heleen dhammaan dadkii shilkaas uga dhintay haraadigoodii, waxayna sheegeen inay aas balaaran u sameyndoonaan khamiista.

Ururka Bilayska Caalamiga ah ee Dambiyada (Interpol) ayaa bishii Sebtember ku dhawaaqay inay si sax ah u aqoonsadeen dhammaan 149 rakaab ah iyo sideed shaqaale ah oo ku dhintay shilka.

Xoghayaha guud ee Interpol Jürgen Stock ayaa sheegay in ururku ku qasbanaaday inuu ku tiirsanaado saamiga DNA ee saxda ah ee ehelka dhibbanayaasha si loo sameeyo aqoonsi sax ah, kaasoo kooxda ku qaatay muddo lix bilood howshaas.

Shirkadda duulimaadyada ee Itoobiya ayaa sheegtay sanadkii 2018 iyo sanadkaan 2019 inay ahaayeen sanadadii ugu adkaa taariikhdooda sida uu sheegay madaxa fulinta ee shirkadda , Tewolde Gebremariam.

Tewolde wuxuu sheegay in shilkii dhacay 10-kii Maarso oo galaaftay nolosha 157 uu ahaa caqabadda ugu weyn ee soo food saartay shirkadooda.

“Waxaan luminay asxaabteena qaaliga ah iyo macaamiisheena qiimaha badan. Waxaan wali ku xasuustaa nolol maalmeedkeena. Maareynta dhibaatada shilalka waa caqabad, ”ayuu yiri.

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegtay inay xilligan wajahayso gabaabsi dhanka duulimaadyada ah oo loo aanayn karo dhacdooyinkii nasiib-darrada ah ee sanadkii lasoo dhaafay.

Xilliga shilku dhacay, waxaa shaqeyneysay 5 diyaaradood. Mid ka mid ah ayaa shilkaas ku burburtay , halka afarta kalena la dhigay dhulka.

PUNTLAND POST