Murashixiinta madaxtinimada Galmudug oo kasoo horjeestay guddiga dhismaha Galmudug

Qaar kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxtinimada Galmudug ayaa sharci darro iyo ku tumasho dastuur ku tilmaamay hannaankii loo maray magacaabidda guddiga farsamo ee maamul dhisida Galmudug.

Warsaxaafaded kasoo baxay murashixiinta ayaa lagu sheegay in dadka ku jira guddigaan ay yihiin shaqaale dowladdeed oo ka howlgala xafiisyada madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo wasaaraddaha.

Murashixiintu waxay ku baaqeen in dib loogu laabto magacaabidda guddigaan islamarkaana laga dhigo guddi madax bannaan oo aan katirsanayn xafiisyada dowladda.

Halkaan hoose ka akhriso.