Dowladda Kenya oo sheegtay inay si dhow ula shaqeyndoonto Jubbaland

Guddoomiyaha aqlabiyada barlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb galay xaflada caleemo saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Aadan Barre Ducaale ayaa xaflada caleemo saarka kasii daayay farriinta dowladda Kenya, wuxuuna sheegay dowladda Kenya inay si dhow ula shaqeyndoonto madaxweynaha Jubbaland iyo maamulkiisa.

Ducaale ayaa caddeeyay danaha dowladda Kenya ee Soomaalia inuu yahay in Soomaaliya hesho xasilooni iyo midnimo, maalintii intaas la helana ay ciidamadooda kala bixidoonaan.

Marka uu ka hadlayay sababta dowladda Kenya ahmiyada gaarka ah usiisay dowlad goboleedka Jubbaland, wuxuu sheegay amniga dalkiisa inuu ku xiran yahay amniga Jubbaland.

Wafdiga Kenya ayaa dib uga laabtay Kismaayo, marka ay dhameysteen hadal jeedintooda, waxayna madaxweynaha Jubbaland gaarsiiyeen salaan uga timid madaxda Kenya.

PUNTLAND POST