Dowlada federalka Soomaaliya oo qaaday tilaabo ka dhan ah Kenya

Dowladda federalka Soomaaliya, ayaa mar kale waxay soo saartay go’aan ku saabsan in duulimaadyada caalamiga iyo kuwa gudaha ee tagaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho.

Go’aankaan oo xalay soo baxay ayaa ujeedadiisu tahay , in dowladda federalku hor istaagto wafdi ka socda dowladda Kenya oo lagu wado inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo, si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland.

Lama oga sida uu ku fulidoono go’aankaan maadaama uu horey u dhaqan gali waayay go’aankii midkaan ka horeeyay, kadib markii diyaarad ka diiwaangashan Kenya ay Kismaayo u daabushay wafuuda caleemo saarka.

Caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacaya Kismaayo, kadib markii dhowr jeer oo uu u baaqday xanibaada dowladdu kusoo rogay isbahaysiga Axmed Madoobe.

HALKAAN HOOSE KA AKHRIS WARQADA.

Puntland Post