Abiy Ahmed oo ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa la siiyay abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda ee Nobel oo la bixiyay maanta oo Jimce ah.

Abiy ayaa ku helay abaalmarintan shaqadii uu ka qabtay dib u bilaabashada wada hadalladii nabadeed ee uu la galay dalka deriska la ah dalkiisa ee Ereteriya, taasoo soo afjaray ismaandhaaf dheer oo ka dhexeeyey labada waddan.

Mr, Abiy, oo 43 jir ah, ayaa jebiyay labaatan sano oo colaad qabow ah oo u dhaxeysay waddankiisa oo ah waddanka labaad ee Afrika ugu dadka badan, iyo Ereteriya oo ah deriskeeda go’doonsan.

Mac-hadka Nobel ee Noorway ayaa bogaadiyay isbedelada muhiimka ah ee hogaamiyaha Itoobiya uu sameeyay tan iyo bishii Abriil 2018.

Abiy, waxaa lagu ammaanay sii daynta tobanaan kun oo maxaabiis ah, in uu soo dhoweeyay oo uu xayiraada ka qaaday kooxihii mucaaradka, in uu qiray xadgudubyadii hore ee dalkiisa ka dhacay, in dadku si xor ah ra’yigooda ugu muujiyeen warbaahinta bulshada, in uu ku dhawaaqay in Itoobiya ay qaban doonto doorasho xor iyo xalaal ah sanadka 2020.

Waxaa kaloo lagu ammaanay in golihiisa xukuumada uu ka dhigay in ragga iyo haweenku isku dheeli tiran yihiin.

PUNTLAND POST