Agaasimihii dekeda Jabuuti lana dhashay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo geeriyooday

Mareeyihii dekeda dalka Jabuuti Sacad Cumar Geelle oo ahaa ganacsade weyn oo ay walaalo ahaayeen madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku geeriyooday dalka Faransiiska.

Lama sheegin waxa uu u dhintay Agaasime Cumar Geelle.

Sanadkii 2011, Sacad Cumar Geelle ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee dekeda Jabuuti ka dib markii Dekeda Jabuuti iyo shirkad laga leeyahay dalka China oo la yiraahdo CHMI heshiis ku gaareen in ay wadajir u maamulan Dekeda Jabuuti.

Allaha unaxariistee, Sacad Cumar Geele, waxaa uu kamid ahaa dadka ugu saameynta badan qoyska reer Cumar Geelle. Waxaa uu sidoo kale madax ka ahaa shirkado waaweyn oo kuyaala dalka Jibuuiti oo qaabilsan wax dhoofinta iyo wax soo dajinta. (Import and Export)

Shirkada DP world oo horey usoo maamushay dekeda Jabuuti, ayaa Sacad Cumar Geelle, sanadkii 2004 u qaadatay Agaasime farsamo.

Puntland Post