Alshabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ciidan oo kuyiilay naxaawiga Marka.

Ugu yaraan sideed askari oo katirsanaa ciidamada dowladda federalka Soomaaliya, ayaa lagu dilay kuwo kale way ku dhaawacmeen kadib markii dagaalamayaal katirsan kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadaas ku lahaayeen gobolka Shabelleda hoose.

Saldhiga weerarka lagu qaaday oo lagu magacaabaa El-Saliini, ayaa kuyaala meel ku dhow magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellad hoose.

Sarkaal katirsan ciidamada amniga oo lagu magacaabo Adow Moalim Mohamed, ayaa xaqiijiyay dhimashada sideeda askari iyo dhaawaca tiro intaas kasii badan, kadib markii uu qadka taleefonka ugu waramay wakaalada caalamiga ah.

“Rag hubaysan oo Shabaab ah ayaa soo weeraray saldhigeenna, kadibna waxaan isdhaafnay is rasaasayn culus. Dhinaceena waxaa nooga dhintay 8 Askari, dhaawacna waa jiraa. sidoo kale dhankooda waxaan ka dilnay kuwo intaas ka badan,” ayuu yidhi sarkaalkaan.

Wararku waxay sheegayaa inay Alshabaab la wareegeen saldhiga ay weerareen, waxayna bartooda internetka kusoo daabaceen inay iyagu masuul ka ahaayeen weerarkaas.

Puntland Post