Ra’iisul wasaare Khayre,”Koonfur Galbeed waxaa jooga dad adkays badan dowladdana jecel”.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay musaanabad sagootin ah oo wafdiga uu hoggaaminayo loogu sameeyay magaalada Baydhabo, ayaa bulshada Koonfur Galbeed ku ammaanay isku-duubnida, dowlad jaceylka, ka shaqeynta danta guud.

Khayre ayaa sheegay in maalmihiisii Baydhabo iyo Xudur uu ogaadey adkeysiga, wadajirka iyo dowlad jaceylka bulshada Koonfur Galbeed, arrintaasina ay ku dhiirri gelineyso madaxda qaranka in laba jibbaaraan shaqada bulshada loogu adeegayo si looga dhabeeyo rejada wanaagsan ee shacabku ka qabaan soo kabashada nimaadka dowladnimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda federaalku ay kala ka shaqeyneyso dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, fulinta mashaariic horumarineed iyo xoreynta deegaannada Al-Shabaab ku suganyahay.

DAAWO

PUNTLANDPOST