Tirada ciidanka AMISOM ee lagu laayey weerarada Alshabaab oo la soo bandhigay.

Warbixin cusub oo uu soo saaray Khabiir u dhashay Maraykanka, kuna takhasusay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa lagu muujiyey in 1,800 Askar ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM lagu dilay Dagaalladaasi tan iyo sannadkii 2007-dii.

Khabiirka oo lagu magacaabo Professor Paul Williams waxa uu baaritaankiisa asaas uga dhigay 5 Ilo-wareedyo iyo Xogaha Ururka Midowga Afrika ee lacagaha la siiyey Qoysaska kuwii ay jeclaayeen ee la dilay tan iyo markii Ciiddanka AMISOM loo soo daad-gureeyey Somalia sannadkii 2007-dii.

Professor Paul Williams oo Arrimaha Caalamiga ka dhiga Jaamacadda George Washington University waxa uu Tiro-koobka khasaaraha soo gaaray Askarta AMISOM muddadii u dhexeysay bishii March ee sannadkii 2007-dii ilaa bishii December sannadkii hore ee 2018-kii ku sheegay inay u dhexeysay 1,483 Askari ilaa 1,884 Askari oo la dilay.

Professor Paul Williams waxa uu Warbixintiisa ku sheegay inaysan suurtogal ahayn in la helo tirada rasmiga ee Askarta AMISOM ee geeriyooday, sababo la xiriirta dalalka ay Ciiddanka ka joogaan gudaha Somalia oo aan weli shaacinin Liiska Askartii looga dilay dagaaladii Alshabaab.

Dhinaca kale, Derbiga Geesiyayaasha ee ku yaalla Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Africa ee magaalladda Addis Ababa waxaa lagu qoray Liiska magacyada iyo Darajooyinka Askarii Nabad Ilaalinta Ururka Midowga Africa ee lagu dilay Hawlgalladda la socda dalalka Burundi, Afrikada Dhexe, South Sudan iyo weliba Somalia.

Professor Paul Williams waxa uu Warbixintiisa ku muujiyey in Derbiga Geesiyayaasha ku qornaayeen bishii la soo dhaafay ee August 2019-ka magacyada 1,108 Askarii lagu dilay Hawlgalladda Nabad Ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika.