Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo xukuno riddey.

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday rag loo heysto qarax dad badan ay ku dhinteen oo dabayaaqadii sanadkii 2018 ka dhacay Suuqa Kaawo-Godey

Maxkamada Ciidamada ayaa xukun dil ah waxaa ay ku riday Xasan Cali Barre, halka Sayid Cali Aadan Nuur lagu xukumay Xabsi Daa’in iyadoona ugu dambayn maxkamaddu ay siideysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigaas.

Guddoomiyaha Maxamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u akhriyey xukunka ay maxkamaddu ridey oo rafcaan ka furan yahay.

DAAWO

PUNTLANDPOST