Madaxweynaha Jubbaland oo markii ugu horaysay warbaahinta la hadlay kadib doorashadiisii.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa markii ugu horeysey warbaahinta la hadlay tan iyo markii xilka dib loogu soo doortay.

Madaxweynahu wuxuu ka hadlay Doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dhawaan Jubbaland ka dhacday Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland iyo Afduubka loo haysto wasiirka Amniga Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay Arimaha ammaanka dalka iyo Doorashooyinka 2020

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dadweynaha ree Jubbaland sida ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay socdeen isagoo sidoo kale ku amaanay Hay’adaha amaanka iyo Sarakiishooda sida ay uga soo dhalaaleen shaqadooda sugida nabadgalyada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in jawaabta midan xigta ay noqon doonto mid ka badalan marxalada hada la joogo hadii Madaxda Dowlada Federaalku ayna wax ka badalin wadada ay ku socdaan.

DAAWO

PUNTLANDPOST