Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’ado caalami ah.

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa xarunta qaramada midoobey ee magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim(Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in kulamadaani ay ahaayeen kuwa xog is-dhaafsi ah ayna uga xog warameen hay’adaha halka wax u marayaan.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in mudadii ay shaqada wadeen waxbadan u qabsoomeen haseyeeshee ay jiraan culaysyo badan oo soo wajahay haba u badnaadeen dhanka dhaqaalaha.

Mas’uuliyiinta hay’adihii ka qaybgalay kulanka aya aad u ammaanay waxqabadka guddiga waxaana ay balan qaadeen in intii awoodooda ah ay ka gacan siin doonaan habsami u socodka doorashooyinka Soomaaliya.

PUNTLANDPOST