Sarkaal katirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo Muqdisho qarax loogu xiray gaarigiisa

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca baabuurta lagu xiro ah oo ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan afaafka Hore ee Dekadda Weyn ee Magalada Muqdisho.

Qaraxaan oo la sheegay in lagu dhejiyey gaari nooca Saaruf-ta ah ayaa waxaa la sheegay in loo dhigay General Maxamed Cabdulle Dhoore oo katirsan saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliya uuna ka soo gaarey dhaawac culus.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaarey goobta uu qaruxu ka dhacay iyagoona hakad geliyey isu socodka gaadiidka inkastoo aysan faahfaahin ka bixin haddii cid loo soo qaqabtay qaraxaasi.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo badanayey qaraxyada gawaarida loogu xirayo saraakiisha iyo masuuliyiinta katirsan dowladda Soomaaliya, waxaana dhowaan isbedel lagu sameeyey hogaamada ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

PUNTLANDPOST