Madaxweyne Muuse Biixi iyo Danjire Ben Fender oo kawada hadlay arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska ee  Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo gaaray Hargeysa.

Danjire Ben Fender iyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka wada hadlay xiriira a xoojinta xiriiraka Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyey taageerada ballaaran ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xiriirka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay.

Waftigaan ayaa Somaliland ku ammaanay horumarada laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka.

Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxiixdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee  laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxiixdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Somaliland.