Madaxweyne Farmaajo oo shuruudo adag hordhigay siidaynta wasiir Janan.

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay shuruudo siyaasadeed oo adag ku xirtay siidaynta wasiirka amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan).

Gudoomiye ku-xigeenka guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Axmed Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inay la kulmeen saraakiil iyo wasiiro ka socda dowladda Soomaaliya haseyeeshee ay siidaynta wasiir Janan ku xireen shuruudo siyaasadeed oo qalafsan.

“Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar.

Guddoomiye Axmed Maxamuud Cumar, ayaa intaasi ku sii daray in dhammaan shuruudaha la hordhigay ay yihiin kuwa lagu kala qaybinayo bulshada kunool deegaamada Jubbaland.

“Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubbaland”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

PUNTLANDPOST