Ammaanka Xudur oo siweyn loo adkeeyey iyo ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan.

Ammaanka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa siweyn loo adkeeyey xilli uu halkaasi ku wajahan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Cutubyo katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu arkayaa inta badan waddooyinka magaalada iyadoona laga taagey tabeelayaal la suray sawirrada Ra’iisul wasaare Khayre.

Wararkii ugu dambeeyey ee Puntlandpost ka helayso Xudur waxa ay sheegayaan inay saacadaha soo socda ku wahan yihiin wafti hordhac u ah ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa lafilayaa in ra’iisul wasaaruhu uu booqdo xeryaha ciidanka dowladda ee duleedka Xudur isagoona dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed sida ay sheegeen maamulka deegaamadaasi.

PUNTLANDPOST