Puntland oo golayaal deegaan iyo iskaashatooyin kalluumaysi u dhisaysa gobolka Gardafuu.

Wafti ka socda golaha xukuumadda iyo barlamaanka Puntland ayaa safaro shaqo kumaraya deegaamo katirsan gobolka Gardafuu gaar ahaan degmooyinka durugsan ee xeebaha dhaca.

Waftigaan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, waxaana u jeedkoodu salka ku hayaa dhismaha golayaal deegaan iyo iskaashatooyinka degmooyinka iyo u kuurgelidda xaaladda gobolka.

Faarax Maxamuud Cawaash, wasiirka kalluumaysiga Puntland oo hadda ku sugan deegaan xeebeedka Binna ayaa sheegay inay dhiseen iskaashatooyin dhowr ah, dhowaanna uu gobolka tegi doono wafti uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo dhisi doona golayaasha deegaanka Baargaal iyo degmooyinka kale ee gobolka.

Dhanka kalena, wasiirka ayaa sheegay inuu jiro kalluumaysi sharci darro ah oo kajira deegaamada qaar ayna ku howlan yihiin sidii dagaal ay dowladda iyo shacabku ula geli lahaayeen iyagoo kaashanaya maraakiibta caalamiga ah ee ku sugan xeebaha qaar.

Waan ku celinayaa kalluumaysiga sharci darrada ah waa masiibo qaran, waxaana naga go’an sidii aan ula dagaalami lahayn, waxaanu gubney shatiyo been abuur ah iyo doonyo aanu shaqada ka joojiney” ayuu yiri wasiir Cawaash.

PUNTLANDPOST