Odayaasha Beledweyne oo ka horyimid awaamiir ka soo baxday dowladda Soomaaliya.

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa ka horyimid go’aan ka soo baxay dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Waxgaradka Beledweyne warbaahinta kula hadlay ayaa waxa ay sheegeen inay ka soo horjeedaan ciidamo ay dowladda Soomaaliya sheegtay in laga qaadayo Beledweyne lana geyn doono magaalada Dhuusamareeb.

Odayaasha ayaa sidoo kale waxaa ay amreen in si deg deg ah ay Magaalada ugu baxaan saraakiisha dowladda ay u soo dirtay qaadista Ciidamadaas oo hadda ku sugan Magalada Baladweyne.

Shalay ayey ahayd markii ay magaalada Beledweyne soo gaareen saraakiil uu hogaaminayo taliyaha ciidanka 21aad ee Soomaaliya, kaasi oo doonayey inuu Beledweyne ka raro in ka badan 300 oo kamid ah ciidankii tababarka ku qaatay xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne.