Ra’iisul wasaare Khayre oo gaarey magaalada Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Waftigaan waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada maamulkaasi.

PUNTLANDPOST