Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo booqday taliska ciidanka ee Hadaaftimo.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntland Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo kormeer ku tagay Saldhigyada Ciidamada Daraawiishta ee Deeganka Hadaaftimo Gobalka Sanaag.

Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa kormeeray saldhigyada ciidamada difaaca Puntland ee duleedka magaalada Hadaaftimo isagoona warbixino ka dhegeystey hogaamada iyo taliyayaasha ciidanka.

Taliyaha ayaa ciidanka uga mahad celiyey sida ay heeganka ugu yihiin difaaca dhulkood wuxuuna balan qaaday inay heli doonaan xuquuqda dowladda ay ku leeyihiin.

SAWIRRO

PUNTLANDPOST