Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo geeriyoodey.

Madaxweynihii ugu xukunka dheeraa ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa u geeriyoodey xanuun uu muddooyinkii ugu dambeeyey la xanuunsanayey.

Mugabe wuxuu ahaa 95 sano jir Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabwe loo garanayay Rhodesia, waxaana uu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii.

Robert Mugabe ayaa in ka badan 30 Sanno Madaxweyne ka ahaa dalka Zimbabawe, iyadoona xilka looga qaaday afgembigii sanadkii 2017 ka dhacay wadankaasi.

Halyeygaan sida weyn looga yaqaaney dunida ayaa sanadkii 1973 dii waxaa loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa.

PUNTLANDPOST