Shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo ka furmaya Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inuu ka furmo shirka dibu heshiisiinta beelaha degan deegaamada Galmudug.

Waxaa magaalada ku sugan dhammaan ergooyinkii ka qaybgeli lahaa shirka sida ay sheegeen guddiga gacanta ku haya, inkastoo uu horay muddo saddex jeer ah shirku dib ugu dhacay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maalmahaan ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa waxaa uu furi doonaa shirkaan oo ahmiyaddiisu tahay dhismaha Galmudug ay ku midaysan yihiin dadka degan Galgaduud iyo Koonfurta gobolka Mudug.

Ciidanka AMISOM, kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna ayaa aad u adkeeyey ammaanka guud ahaan magaalada Dhuusamareeb iyo goobaha uu shirku ka qabsoomi doono.

PUNTLANDPOST