Madaxweynaha Venezuela oo amray dagaal ka dhan ah Colombia iyo Maraykanka.

Madaxweynaha wadanka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku dhawaaqay inay heegan culus geliyeen ciidanka dalkaasi ee ku sugan xuduudka Colombia si ay uga hortagaan weerar kaga yimaada dalkaasi.

Maduro, waxa uu sheegay in tallaabadaan ay uga golleeyihiin inay kaga hortagaan tallaaba kasta oo uu qaado dhiggiisa dalka Colombia Ivan Duque oo dhowaan dalbaday in loo baahan yahay isbedel ka dhaca Venezuela.

Saraakiil katirsan wadanka Venezuela ayaa sheegay in laga shallayn doono waxa ay ugu yeereen “Dagaal sokeeye” oo ka dhex dhaca labada wadan, waxaana ay tilmaameen in Ivan Duque uu yahay shaqsi ku shaqeeya siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka.

Maraykanka iyo Colombia ayaa taageero u muujiyey jabhado iyo dhaqdhaqaaqyada ka soo horjeeda madaxweyne Nicolas Maduro si ay xukunka uga tuuraan.

PUNTLANDPOST