Bangiga Amal oo Garoowe ka daah-furay adeegga TACAB KAAL

Bangiga Amal ayaa adeegga cusub ee TACAB KAAL ka daahfuray Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, adeegaas ayaa Bangigu ugu talo galay inuu ku maalgaliyo ganacsatada beeralayda ah iyo kuwa doonaya inay ka fii’iidaystaan iibka caanaha iyo xoolaha.

Ujeedada Adeegga TACAB KAAL ee Bangiga Amal ayaa ah in uu soo saaro ganacsato ka faa’iidaysta khayraadka Badda iyo Dhulka ayna helaan qalab casri ah ay u isticmaali karaan falidda dallaga, waraabinta beeraha si casriga ah, tacabka xoolaha nool iyo dhaqidooda (Geel, Lo’ iyo Ari), Iyo inuu taabo galinyo aalado casri ah oo u diyaarsan in lagu kaydiyo ama lagu qaboojiyo caanaha iyo hilibka xoolaha.

Adeegga TACAB KAAL ayaa ku maalgalinaya ganacsatadaas agabka kala ah:-

  1. Greenhouse (qalabka beeraha casriga ah).
  2. Solar panels (qalabka tamarta cadeeda looga dhaliyo).
  3. Refrigerators (talaagadaha qaboojiya caanaha ama kaluunka)
  4. Maalgalinta xoolaha nool (Geel, Lo’ iyo Ari)
  5. Calafka iyo daaqa xoolaha.
  6. Modern Irrigation System (qalabka waraabka oo casri ah).

Adeeegga TACAB KAAL ee Bangiga Amal waa mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee uu Bangiga Amal u hirgaliyay bulshada si loo casriyeeyo habka waraabka beeraha, kaydinta caanaha iyo hilibka oo la istimcaali doono tamarta laga dhaliyo cadceeda.

Baniga Amal ayaa sidoo kale waxaa u qorshaysan inuu goor dhaw ka hirgaliyo adeegga TACAB KAAL Magaalooyinka oo dhan sida Muqdisho, Hargaysa, Kismaayo, Burco, Boorame, Qardho, Laascaanood, Buuhoodle, Baydhabo, Baladwayn Iyo Gaalkacyo.

Daahfurka Adeegga TACAB KAAL ee magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka Baniga Amal, Masuuliyiinta gobolka, Culimada, Odaashaaya Dhaqanka, Dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe. Waxayna uga mahadceliyeen Bangiga Amal kuna dhiiri galiyeen inuu Bangigu sii wado adeegyada uu u fidinayo bulshada dhamaanteed.

Hoos ka daawo sawirada

PUNTLAND POST