Taliye Mahad: Daryeelka agoonta Soomaaliyeed waa waajib cid walba saaran”

Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wareejiyey dawooyin ay qurba joog Soomaaliyeed ugu talagaleen agoonta ciidamada asluubta Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed sarreeye guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa uga mahadceliyay cidkasta oo ka qayb qaadatay deeqdaan loo keenay carruurta agoonta ah.

Sarreeye guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dhowaan xilka la wareegey ayaa sheegay inay ku dedaali doonaan horumarinta carruurta agoonta ah si ay ugu buuxiyaan boosaskii aabayaashoodii la jeclaa.

PUNTLANDPOST