Madaxweynaha Iiraan oo Laba bilood u qabtay wadamada Reer Yurub.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan Hassan Rouhani ayaa muddo labo bilood ah u qabtay dalalka reer Yurub si ay u bad-baadiyaan heshiiskii 2015-kii laga gaaray Nukliyeerka dalkiisa.

Hassan Rouhani ayaa sheegay in Iiraan aysan marnaba u dulqaadan doonin xad gudubyo dheeraad ah oo lagu sameeyo heshiiskaasi kuwaasi oo uu sheegay inay keeni karaan “saameyn aan caadi ahayn”.

Xukuumadda Tehraan ayaa diidey Yabooha dalal Yurub waxaana ay dalbatay in heshiiska lacag ahaan loo siiyo ama looga iibsado saliidda ceeriin ee ay hodonka kutahay Iiraan.

Muddaynta Iiraan waxa ay imaanaysaa ayada oo saraakiisha Iran ay jawaabo is-khilaafsan ka bixiyeen yabooh ka yimid Faransiiska oo ah in la deyminayo 15 bilyan oo dollar illaa dhammaadka sanadka, haddii ay Iran si buuxda ugu hoggaansanto heshiiska.

PUNTLANDPOST