Xildhibaan katirsan Somaliland oo u hambalyeyey Axmed Madoobe kana codsaday inuu caleema saarkiisa ku casumo.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo katirsan barlamaanka Somaliland ayaa hambalyo iyo ammaan u diray madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xildhibaanka oo waraysi siinayey wargeys ka soo baxa Hargaysa ayaa sheegay in doorashadii Axmed Madoobe ay ahayd mid sharci ah uuna ka codsaday inuu ku casuumo xafladdiisa calaama saarka ee Kismaayo ka dhacaysa.

Anigoo ah Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, waxaan hambalyeynayaa, oo aan leeyahay hambalyo guusha uu ku soo baxay Madaxweynihii Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), guushaas uu Axmed Madoobe gaadhay waxay nabar iyo naxdin ku tahay, hawsha kaligii talisnimada ah ee qolada Muqdisho ka talisa ee ay doonayaan inay ku baabiyaan wadanka aynu jaarka nahay ee Somaliya, caqliyada ka shqaysa, ee hadda ka talisa Magaalada Muqdisho, waxaana u sheegayaa inaysan ku mashquulin ciddii Soomaali ah oo horumar gaarta”, ayuu yiri xildhibaan Naasir.

Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa ugu dambayntii sheegay in Axmed Madoobe uu yahay shaqsi geesi ah isla markaana mudan in loo hambalyeeyo laguna ammaano wixii uu soo qabtay.