Waxgaradka Somaliland oo afka furtay: “Muuse waa tegayaa ee yaan lakala tegin”

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka deegaamada Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujiyey dhiilada colaadeed ee ka taagan deegaamo hoosyimada degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Qaar kamid ah waxgaradka Somaliland iyo siyaasiyiin caan ah ayaa sheegay in gobolka Sanaag uu ka baxay gacanta Somaliland mudadii uu xafiiska joogey Muuse Biixi intii dhimmanaydna colaadi ragaadisey.

Shacabka ayey ugu baaqeen inay dulqaad muujiyaan isla markaana ay gacmaha is qabsadaan uuna xafiiska bannayn doono Muuse Biixi Cabdi, xafiiskana qof kale uu qaban doono.

DHEGAYSO

Maalinimadii shalay ayey ahayd markii Puntland ay ku soo biireen ciidamadii iyo saraakiishii ugu dambeeyey ee Somaliland ugu magacawnaa gobolka Sanaag.

PUNTLANDPOST