Wasiiro katirsan Puntland oo ka hadlay ciidamo iyo taliyayaal ka soo goostay Somaliland kuna biiray Puntland.

Xubno katirsan golaha wasiirada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Sanaag iyo Haylaan oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa ka warbixiyey taliyayaal ciidan, saraakiil iyo ciidamo ka soo goostay Somaliland kuna biiray Puntland.

Wasiirada ayaa ugu horayn hambalyo iyo soo dhoweyn u diray taliyayaasha iyo ciidamada ku soo biiray Puntland waxaana ay sheegeen in wixii hadda ka dambeeya ay la xuquuq iyo waajibaad noqon doonaan ciidankooda Puntland ee ay ku soo biireen.

Shacabka reer Sanaag iyo Haylaan ayey sheegeen inay yihiin reer Puntland aysana aqbali doonin inuu xoog ku haysto maamulka sheegay inuu Soomaaliya ka baxay ee Soomaaliland, iyagoona tilmaamay in tallaabadaan iyo kuwii ka horreeyey ay tusaale cad u yihiin Hargaysa.

Wasiiradu waxa ay isku raaceen inuusan jirin reer reer kale xoog ku haysan kara ama sheegan kara dadnimadiisa iyo dhulka Alle ku beeray, Somalilandna looga baahan yahay inay u tashato Waqooyi Galbeed iyo Togdheer oo shacabkoodii hadda baxsad yihiin sida wasiiradu sheegeen.

DAAWO

Taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga Badhan, taliyihii ciidamada badda Somaliland ee gobolka Sanaag iyo ciidankoodii ayaa ku biiray Puntland waxaana taliskii ciidanka Somaliland ee duleedka Badhan laga taagey calanka Puntland.

PUNTLANDPOST