Danjiraha Ruusha ee QM,”Adduunku wuxuu gelayaa tartan hub iyo ciidan kadib tijaabadii Maraykanka”.

Danjiraha dalka Ruushka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in adduunku qarka u saaran yahay tartan hub cusub kadib markii Mareykanku uu durba bilaabay tijaabinta gantaalihii horay looga mamnoocay dunida, kana baxay heshiiskii la socodka hubka ee Moscow.

Ku-xigeenka danjiraha Ruushka ee Qaramada Midoobey Dmitry Polyanskiy ayaa digniin xoogan ka bixiyey tijaabooyinka Maraykanku samaynayo xilli uu ka hadlay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dmitry ayaa waxa uu sheegay tijaabada Washington ee gantaal dhulka laga soo riday horaantii todobaadkan inay muujineyso in maamulka madaxweyne Donald Trump “uu diyaar u yahay tartan hub.

“Miyaad ka warqabtaa xaqiiqda ah in dhammaanteen aannu ka helnay hal tallaabo ah inaan la xakamayn tartankii hubka, sababtuna tahay han juquraafiyeedka Mareykanka? Tani waa mid walaac weyn noo leh mana ahan Maraykanka oo keliya”, ayuu yiri

Pentagon-ka ayaa Isniintii sheegay inay tijaabisay tijaabinta gantaalaha ridada dheer oo casri ah isla markaana jari kara in kabadan 500 Kilometer.

PUNTLANDPOST