Kulan dhexmari lahaa Trump iyo dhiggiisa Denmark oo u baaqday muranka jasiiradda Greenland.

Guud aahanba waxaa baaqday kulan ay yeelan lahaayeen madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo dhiggiisa wadanka Denmark Mette Frederiksen.

Baaqashada kulankaan xasaasiga ahaa ayaa la xiriirta in madaxweynaha Maraykanku uu diidan yahay inuusan ka hadlin iibsiga dhulka loo yaqaan Greenland oo siweyn shirkaan saamayn ugu yeelan lahaa.

Donald Trump oo farriin soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu yiri; “Denmarka waa dal gaar ah oo dad wanwanaagsan leh, hase yeeshee, maaddaama Ra’iisal Wasaare Metter Frederiksen ayna daneynin in ay ka hadasho inaan Greenland iibsano, xilli kale ayaan dib ugu dhigayaa kulankii noo qorsheysnaa ee labo toddobaad ka dib dhici lahaa”.

Axaddii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu sheegay in dalka Denmark uu leeyahay jasiiradda Greenland isla markaana dalkiisa iyo Denmark ay yihiin laba wadan oo xiriir wanaagsani ka dhexeeyo.

PUNTLANDPOST