Madaxweyne Deni oo magacaabay wasiiru dowle cusub

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Madaxweyne Deni ayaa Maxamed Rooble Cabdi u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. waxaana horey xilkan isaga casilay Saalax Xabiib Jaamac .

Hoos ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-64, Ogoosto 20, 2019 ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Maxamed Rooble Cabdi loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

PUNTLAND POST