Maxkamadda sare ee Puntland oo markale u fariisanaysa kiiskii Caasha Ilyaas.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa u fariisanaysa wajiga 2aad ee dacwadda ka dhanka ah xukumanayaasha ku eedaysan kiiskii kufsiga iyo dilka ee marxuumad Caasha Ilyaas Aadan.

Waxaa saaka lafilayaa inay markale maxkamaddu dhegaysato eedaymaha xeer ilaalinta Puntland, isdifaacidda xukumanayaasha kiiskaan iyo qareenada u doodaya kadib markii maxkamaddu Sabtidii, maanta oo isniin ah ballamisay.

Saddexda nin ee loo haysto kiiskaan ayaa horay maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal dil toogasho ah ugu xukumeen waxaase kiisku yeeshay weji kale kadib markii mid kamid ah xukumanayaashu qiraal sameeyey.

DAAWO

PUNTLANDPOST