Madaxweyne Farmaajo oo maanta Jabuuti kula kulmaya madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa xalay gaarey magaalada D Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha oo ay safarkaan ku weheliyaan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Maanta waxaa ay la kulmayaan Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa lafilayaa in labada madaxweyne iyo masuuliyiinta weheliya ay maanta ka wada hadlaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood

DAAWO

PUNTLANDPOST