Cumar Xasan Albashiir oo Maxkamad Ka Soo Muuqday.

Madaxweynihii kacdoonka xilka looga tuuray ee dalka Suudaan Cumar Xasan Albasshiir oo muddo 30 sano ah soo xukumayey dalkaasi ayaa maanta ka soo muuqday maxkamad kutaal magaalada Khartuum.

Cumar Xasan Albashiir oo 75 sano jir ah isla markaana xukunka dalkaasi laga tuuray 11-kii April ee sanadkaan ayaa lagu soo eedeeyey qodobo u badnaa tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Al-Bashiir, oo 75 jir ah, ayaa si qasab ah xukunka looga tuuray 11-kii April, kadib bilo ay socdeen dibad-baxyo ka dhan ah taliskiisa.

Maxkamadda ayaa waxaa la soo gaarsiiyey warqad katimid dacwad oogayaasha dalkaasi oo Albashiir ku soo eedeeyey “ku tumasho xuquuqda aadanaha ah, haysashada lacag qalaad, musuq-maasuq iyo haddiyado uu si sharci darro ah ku qaatay.”

PUNTLANDPOST