Donald Trump oo qarka u saaran inuu ka haro doorashada Maraykanka ee 2020.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isaga bixi doona hardanka loolanka loogu jiro madaxweynaha dalkaasi ee doorashada 2020, sida uu rumaysan yahay sarkaal hore oo katirsanaa aqalka cad.

Agaasimihii hore ee xiriirka bulshada iyo warbaahinta aqalka Cad Anthony Scaramucci ayaa waraysi uu siiyey Vanity Fair, ayaa yiri,”Xaqiiqdu waxay tahay Trump ma raadin doono dib u doorasho sababtoo ah cidna markale dooran mayso”.

“Wuxuu doonayaa inuu isaga boxo tartanka, maxaa yeelay waa waadax, waxay noqon doontaa March 2020, waxaana la jecel yahay inuu ka boxo doorashada maxaa yeelay waxay u muuqaataa mid aan macquul ahayn inuu ku guulaysto”. ayuu yiri Anthony.

Sarkaalkan horay uga tirsanaa aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump ku guulaysiga kursiga gacmihiisa isku dhaafiyey isla markaana qof walba uu rumaysan yahay inuusan wax cod ah ku soo bixi karin.

Dhanka kalena, madaxweyne Trump ayaa sheegay in Anthony Scaramucci shaqsi dhowaan shaqada isaga baxay warbaahintuna ku buunbuunisay arrimihiisa falan qaynta haseyeeshee uusan wax xog badan ah ka ahayn shaqsiyada Donald Trump.

PUNTLANDPOST