Ciidanka DANAB oo howlgallo dad lagu qabqabtay kawada gobolka Mudug

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa saacadihii ugu dambeeyey howlgallo lagu soo qabqabtay dad lala xiriirinayo Alshababa waxa ay ka sameeyeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Howlgalkaan ay ciidanku ka sameeyeen deegaanka Camaara oo qiyaastii 85-KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan degmada Xaradheere ayaa waxa uu ahaa mid qorshaysan oo lagu qabtay ilaa 3 nin oo la shaqayn jirey Alshabaab.

Sheekh Yuusuf Salaad oo ah guddoomiyaha deegaanka Camaara ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad xiriir la lahaa Al-Shabaab.

Baaritaanadaan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada xooga Soomaaliya gaar ahaan taliska qaybta 21aad ay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Alshabaab ka wadaan deegaamo katirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

PUNTLAND POST