Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay haystaan caqabado dalka dibaddiisa kaga imaanaya.

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay dowladda xilligaan soo wajeheen caqabado caalami ah oo kaga imaanaya dalka dibaddiisa waxaana ay codsatay in shacabku gacan siiyaan.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sheegay in sahcabka iyo madaxda qaar aysan ogsoonayn in dowladda federalka ah ay haystaan caqabado dibadda kaga imaanaya haseyeeshee ay ku masshquulsan tahay waxtarka dadkeeda.

 “Waxaad moodaa Shacabka Soomaaliyeed & madaxda dalka hoggaankooda inaysan ku baraarusaneyn caqabadaha dowladda dhexe  ay la kulmeyso,balse halkii laga caawin lahaa dad badani oo ka mid ahi waxgaradka iyo mas’uul kasta ay dowladda culeyska ku badinayaan si ay dowladda u jabto dadaalada ay wado ay ku fashilanto” ayuu yiri wasiir Maareey.

DHEGAYSO

PUNTLANDPOST