Wasiir Cawad oo ka warbixiyey kulankii ay Makka kula qaateen madaxweynaha Somaliland.

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya yaa faahfaahin ka bixisay kulan ay magaalada barakaysan ee Makka ku yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno katirsan golaha xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha kale ee golaha wasiiradu ay masjid kuyaal Makka ku kulmeen madaxweyne Muuse Biixi iyo wafti la socdey.

Xilli uu waraysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa wasiir Cawad waxa uu sheegay in labada dhinac ay kulankaasi isugu muujiyeen inay yihiin dad walaalo ah, haseyeeshee uusan kulanku ahayn mid siyaasadeed ayna arrimaha Xajka kaliya kawada hadleen.

DHEGAYSO

PUNTLANDPOST