Shacabka Garoowe oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland.

Shacabka kunool magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa siyaabo kala duwan waxa ay uga hadleen doorashada madaxtinimada Jubbaland iyo arrimaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Kismaayo.

Inta badan shacabkii la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad u soo dhoweynayaan xildhibaanadii ay ku dhawaaqeen guddiga xuduudaha iyo doorasshooyinka Jubbaland ee shalay lagu dhawaaqay.

Shacabka ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka, siyaasiyiinta iyo madaxda Jubbaland inay ilaashadaan nabadda iyo midnimada isla markaana ay iska ilaaliyaan in laga dhex faa’iidaysto.

MAQAL CODADKA

PUNTLANDPOST