Saldhig ciidanka dowladdu ku leeyihiin Awdheegle oo weerar lagu qaaday.

Wararkii ugu dambeeyey ee ay shabakadda Puntlandpost ka helayso deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in weerar qarax ismiidaamin ah loo adeegsadey uu ka dhacay saldhig ciidan.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa waxaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladdu kuleeyihiin deegaanka Awdheegle oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inkastoo ay adagtay in la helo xogta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, inkastoo dadka deegaanku ay sheegeen in qaruxu ahaa mid aad u xoogan isla markaana uu khasaare xoogan sababay.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ee DANAB ayaa maalmihii ugu dambeeyey howlgallo ka dhan ah Alshabaab waxa ay ka wadeen deegaanka Awdheegle iyo degaamada hoosyimaada.

PUNTLANDPOST